Booliska magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa xabsiga u taxaabay dad ka danbeeyay rabshado ka dhacay gudaha mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Turkish Airlines oo duulimaad kagasoo baxday dhanka Turkigakuna imanaysay magaalada Muqdisho.

Dagaal gacan ka hadal ah ayaa dhex maray shaqaalaha Turkish Airlines iyo qaar ka mid ah rakaabka, taas oo keentay in uu dhaawac soo gaadho mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda kadibna cisbitaalka loo qaado.

Gacan-0ka-hadalka ayay bilaabeen illaa 20 Soomaali ah oo lagasoo tarxiilay dhanka Turkiga, sida ay sheegayaan xogo laga helay garoonka Aden Cadde, balse weli baadhitaano ayaa socda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga