Ciidamada booliska Somaliland ayaa lagu samaynayaa is-beddel ballaadhan, sida uu sheegay taliyaha ciidamada boolisku.

Sareeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi (dabagale) ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Waxa uu intaa ku daray in loo baahanyahay dhalinyaro cusub oo saraakiil ah kuwaas oo dhaqaajiya is-beddelka ay rabaan in ay ku sameeyaan booliska.

Taliye Dabagale waxa uu xusay in loo baahanyahay in booliska iyo shacabku ay saaxiib noqdaan.

Booliska Somaliland ayaa inta badan ay cabasho ka muujiyaan shacabku, iyagoo marar badan xusay in ay is-beddel u baahanyihiin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga