Booliska magaalada moscow ee caasimadda dalka ruushka ayaa xabsiyada u taxabay dad ka badan 1000 qof oo mudaharaado ka dhigayay gudaha magaalada.

Dadka la xidhay waxa ku jiray xubno ka tirsan mucaaridka ruushka, iyo murashaxiin u sharaxnaa golayaasha deeegaanka ee dalkan ku yaala waqooyiga qaarada asia, ama bariga qaaradda yurub.

Dadka dibadbxyada dhigaya ayaa ka cadhaysan in murashaxiin ka tirsan mucaaridka laga saaro doorashooyinka ruushka.

Boqolaal ciidamada rabshadaha ka hortaga ah ayaa lagu daadiyay magaalada moscow. Iyagoo xidhay wadooyinka iyo goobaha lagu balansanaa in mudaharaadadu ay ka dhacaan.

Waa dibadbaxii labaad ee muddo todobaad ah ka dhaca dalka ruushka. Iyadoo dadku ay albanayaan doorashooyin xor ah.
Dad ka badan 20k oo qof ayaa isuso baxay, iyadoo mudaharaadnina ay nqonayaan kuwii ugu waawaynaa e ruushka ka dhaca tan iyo snaadkii 2011kii markaas oo dad badani ay diideen dib u doorashadii madaxweyne vldmir putin.

Kooxaha mucaaridk ayaa dhiiri galinaya mudahraado kale oo hor leh, iyagoo dawladda ku cadaniya in la ilaaliyo daahfurnaanta doorashada.

8da bisha sep ayaa la filayaa in guud ahaan dalka ruushka ay ka dhacaan doorashooyinka golayaasha deegaanku. Doorashooyinkan ayaa aad loo xiisayn jirin gudha ruushka, balse sanadkan dhaqdhaq badan oo ay sameeyeen kooxo gudaha waddanka iska abaabulay ayaa keenay in xaalku uu isbedelo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga