Kadib dibad-baxyadii gilgilay guud ahaan dalka Maraykanka ee lagagagsoo hor jeeday tacadiyada booliska, aqalka hoose ee baarlamanka Maraykanka loona yaqaano Koongareeska ayaa meel mariyay hindise sharciyeed lagu rabo in is-beddel ballaadhan lagu sameeyo booliska Maraykanka.

Sharcigan cusub ayaa dhigaya in meesha laga saaro qodobada booliska u ogolaanaya in ay awood isticmaalaan. Wuxuu sidoo kale dhigayaa in la bixiyo aduun lacageed oo gaadhaya $2.5 billion taas oo lagu maalgalinayo baadhitaano lagu sameeyo tacadiyada booliska, sidoo kalena deegaanada qaar la bedelo booliska, meeshoodana lagu buuxiyo dadka arimaha bulshada ka shaqeeya.

Aqalka Koongareeska ayaa raba in sharci laga dhigo, waxaana si ballaadhan u taageeraya kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha. Balse waxa kasoo hor jeeda is bahaysiyada booliska, xubno ka tirsan Aqalka Sannadka ee baarlamanka iyo madaxweyne Trump.

Donald Trump wuxuu ku hanjabay in uu adeegsan doono awooda Veto, isla markaana joojin doono hindise sharciyeedka. Aqalka odayaasha ee baarlamanka oo xisbigiisa Jamhuurigu uu aqlabiyadda haysto ayaa sidoo kale la filayaa in ay is hortaagaan.

Tobanaan milyan oo qof ayaa wadooyinka magaalooyinka waawayn ee Maraykanka isasoo dhoobay, kadib dil ay booliska magaalada Minneapolis u gaysteen nin madaw ahaa oo aan hubaysnayn. Dadka ayaa dalbanayay in wax ka badal lagu sameeyo sharciyada booliska.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga