Booliska magaalada Hong Kong ee dalka Shiinaha, ayaa ku kala eryay gaasta dadka kaga ilmaysiisa iyo biyo ku socda xawli sare kumannaan qof oo ku dibad-baxayay waddooyinka magaaladaasi.

Dadkani mudaharaadeyaasha ah, ayaa kasoo horjeedsaday sharci ay rabto inay soo rogto xukuumadda Beijing, kaasi oo khuseeyay arrimaha ammaanka magaaladan maamul-hoosaadka leh.

Waxay ahayd sannadkii hore markii dadwayne ka cadhaysani ay soo buux dhaafiyeen jidadka magaaladani, iyagoo ku heesayay ‘’Xalku waa inay Hong Kong madax bannaani heshaa’’, ay xukuumadda Shiinaha saareen cadaadis daran.

Xisbiga Shuuciga ah ee ka taliya dalka Shiinaha, ayaa soo jeediyay qorsheyaal lagu adkaynayo ammaanka magaaladan si loo hirgeliyo qorsheyaasha Beijing ay ku doonayso inay ku kala caydhiso dibad-baxayaasha.

Sharciga ammaanka ee ay xukuumadda Shiinuhu rabto inay kusoo rogto magaalada Hong Kong, ayaa waxaa si wayn uga walaacay ganacsatada, dhallinyarada iyo dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa, maadaama ay jasiiraddani hoos iman jirtay maamulkii British-ka, kahor intii aan Shiinaha loo celin sannadkii 1997-kii, taas oo lagu damaanad qaaday xoriyadda jasiiradan.on

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga