Ciidamada booliska Israa’iil ayaa toogtay qof Falastiini ah oo aan hubaysnayn gudaha magaalada Qadiimiga ah ee Qudus dhinaceeda bari.

Wararka ka imanaya Qudus, ayaa sheegaya in ninka ay Israa’iil dishay ahaa, 32 jir la odhan jiray Iyad El-Hallak, kaasi oo ka shaqayn jiray dugsi ay wax ka bartaan dadka baahiyaha gaarka ah leh oo ku yaalla magaaladaasi.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Wafa, waxay sheegtay in goobta lagu dilay ay u dhawayd dugsigii uu wax ka dhigi jiray subixii hore ee Sabtida.

Afhayeen u hadlay ciidanka booliska Israa’iil, waxaa uu sheegay in ninkani looga shakiyay inuu sitay wax u eg baaskoolad, iyagoo buu yidhi ciidanku ka dalbaday inuu istaago, kadib markii uu cararayna uu askari askarta kamid ahi xabad ku furay.

Kadib dhacdadan, booliska Israa’iiliyiintu waxay bilaabeen adkaynta nabadgeliyada goobtaasi, halka ay dadka Falastiiniyiinta ahina si wayn uga xanaaqeen dhacdadan.

Israa’iil ayaa dardargelinaysa, damaceeda ah sheegashada daanta galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta.

 

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga