Madaxweynaha waddanka Maraykanka ayaa mar kale duray raysalwasaaraha dalka Itoobiya oo sanadkii hore la siiyay biladda nabada dunida ee Nobel Prize loo yaqaano.

Donald Trump oo isu-soo-bax ka dhacay gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ka hadlayay ayaa xusay in biladda nabada uu isagu u qalmay.

“Waxaan sameeyay heshiis. Waxaan badbaadiyay waddan, kadibna waxaan maqlay in qofkii waddankaas ka madaxda ahaa la siiyay biladda nabada, iyadoo sababtu tahay in uu badbaadiyay waddanka. Waxaan idhi maxaan ka qaban karaa anigu.” ayuu yidhi Trump oo la hadlayay taageerayaashiisa.

Sanadkii hore ayuu Abiy Ahmed ku guulaystay biladda uu wali Trump daba socdo, waxaana la sheegay in uu ku helay nabadii uu ka dhex sameeyay dalkiisa iyo dalka Eritrea oo sanado badan ay colaadi dhex-taalay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga