Biden oo ka hadlay sheegashooyinka guusha ee Trump

Joe Biden, madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka, ayaa markii ugu horaysay wuxuu ka hadlay sheegashooyinka guusha ee madaxweyne Trump kasoo yeedhayay maalmihii aynu soo dhaafnay.

Biden oo ku sugan magaalada uu degenyahay ee Wilmington, gobolka Delaware, wuxuu xusay in wax laga xishoodo ay tahay in Trump uu sheegto guusha doorashada xili uu ka adkaaday.

Wuxuu intaa ku daray in marka uu dhamaado muddo xileedka Trump aan loogu daba fadhiyin in uu wareejiyo talada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Donald Trump, madaxweynaha ku guuldaraystay in uu difaacdo kursigiisa, wuxuu wadaa fariimaha guul-sheegashada, isagoo maalin walba tan iyo markii la ogaaday natiijada hordhaca ah ee doorashada uu soo saarayay fariimo badan oo sheegaya in uu doorashada isagu helay.

14 bsiha December ayaa si rasmi ah ay kooxaha dorashadu ugu dhawaaqi doonaan madaxweynaha Maraykanka, marka la dhammaystiro tirinta codadka inta hadhsan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga