Magaalad Beledweyne waxa maanta la joojiyay isu socodka magaalada iyo dhaqdhaaqa kale ee magaalada, kadib doorasho halkaas ka dhacaysa.

Lix kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa la dooranayaa maanta waxayna kala yihiin HOP 086, HOP 109, HOP 074, HOP 274, HOP 008, HOP 0015.

Kuraastan waxa ku jira kuraas ay muran badani ka taaganyahay oo kala ah HOP 086, HOP 109, HOP 274, waxaana jira baaqyo beelaha ka yimi.

Fahad Yaasiin, taliyihii hore ee NISA ayaa ka mid ah murashaxiinta maanta ku tartamaysa kuraasta, waxaana la sheegay in sababta wadooyinka loo xidhay ay tahay joogitaankiisa Beledweyne.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga