Beesha caalamka ee danaysa arimaha Soomaaliya ayaa walaac ballaadhan ka muujisay xaaladda gobolka Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku dgaaalameen ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland.

Qoraal ay si wada jira usoo saareen, Midawga Yurub, IGAD, Qaramada Midoobay, Ingriiska, Sweden, Itoobiya, Denmark, Jarmalka iyo Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay ka xunyihiin ciidamada la geeyay gobolka Gedo, iyo dadkii rayidka ahaa ee ku barakacay deeganka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku baaqday in wada hadal lagu dhmaaeyo dhammaan khilaafaadka jira, iyagoo dhnak kale soo dhaweeyay wadahadalkii khadka telefoonka ee Farmaajo iyo Kenyatta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga