Wadamada beesha caalamka ee taageerta Soomaaliya ayaa taageero u muujiyay wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya uga furmay dalka Jabuuti ee ay soo agaasimeen dawladaha Jabuuti iyo Maraykanka.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya oo ay si wada jira u saxeexeen dawladda Ingiriiska, Qaramada Midoobay, urur goboleedka IGAD, hawl-galka Midawga Afrika ee Soomaaliya loona yaqaano AMISOM, Maraykanka, Shiinaha, Denmark, Canada, Midawga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Belgium, Ireland, Talyaaniga, Japan, Sweden, Norway, Sitxerland, Uganda, Turkiga iyo Hollland, ayaa lagu sheegay in ay dhammaan wadamadani si buuxda u taageersanyihiin balan qaadka labada hogaamiye ee Muuse Bixii iyo Maxamed Farmaajo ay muujiyeen in ay sii wadi doonaan wada xaajoodka.

Qoraalka ayaa lagu yidhi “waxaanu soo dhawaynaynaa kulanka oo ah talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca xoojinta xidhiidhka iyo kor u qaadida is-fahamka. Waxaanu dhiirigalinaynaa gudiyada farsamo ee madaxdu ay magacawdaay, si ay u shacakooda u siiyaan natiijo la taaban karo.”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga