Beesha Caalamka ayaa walaac xoogan ka muujisay dagaalka ka socda dalka Libya, oo imika saamaynta wadamada shisheeye ee colaada ku lugta lihi ay sii badanayso.

Masar waxay imika ciidamo usoo diraysaa ninka ay taageerto ee Khaliifa Xaftar oo dawladdu ay duulaan ku qaaday. Baarlamanka Masar ayaa ansixiyay in milatariga Masar ay ka dagaan dalka Libya si ay taageero u siiyaan Xaftar.

Hogaamiyayaasha gobolka ee caalamka ayaa ka digay in dagaalka Libya ay iskaga hor yimaadaan Masar iyo Turkiga. Ciidamo Turki ay ayaa imika ku sugan Libya kuwaas oo dawladda Qaramada Midoobay ay aqoonsantahay badhitaara, waxayna Masar imika rabtaa in garabka Xaftar ee ay taageerto ay ciidamo u dirto si uu u difaacdo deegaanada uu gacanta ku hayo oo dawladdu ay duulimaad ku tahay.

Imaaraadka, Masar iyo Ruushkuba waxay isku raacsanyihiin in Xaftar ay awood siiyaan, si aan ceelasha saliida loogala wareegi.

Loolanka quwadaha shisheeye ee gudaha Libya waxay kaliya sii hurinaysaa colaada jirtay, sida ay qabaan shacabka Libya oo u dhaxeeya labada garab ee awooda ku hardamaya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga