Beesha Caalamku waxay soo dhawaysay dhammaystirka doorashada guddoonka baarlamanka Soomaaliya, oo imika la doortay gudoomiyayaasha iyo ku xigeenada labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

War ay si wada jira usoo saareen saaxiibada Soomaaliya dawladnimada iyo dib u dhiska ka taageera waxay ku xuseen in ay soo dhawaynayaan doorashada guddoonka ee la dhameeyay.

Beesha Caalamku waxay ku baaqeen in si dhakhso ah loo qabto doorashada madaxtinimada. Waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in doorashadaasi ay noqoto mid daah furan oo dhinacyada ku tartamayaa ay ku wada qanacsan yihiin.

Baarlamanka Soomaaliya wuxuu imika isu diayarinayaa doorashada madaxweynaha oo la filayo in Soomaaliya ay dhawaan ka qabsoonto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga