Xubno ka tirsan beesha caalamka ee Somaliland ka taageera nidaamka doorashada iyo geedi-socodka dimuqraadiyadda ayaa la filayaa in ay soo gaadhaan magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, iyagoo kulamo la qaadan doona madaxweynaha Somailand iyo madaxda xisbiyada mucaaridka.

Khilaafka xubnaha loo xulayo gudida doorashooyinka ayaa mar kale soo laba kacleeyay kadib markii uu madaxweynaha Somaliland kusoo daray laba xubnood oo muran badan dhaliyay. Lbada xubnood ayaa kala ah Cabdirashiid Riyoraac, oo Kulmiye ka tirsanaa, iyo Kaltuun Sheekh oo gudidii hore ee doorashooyinka ka tirsanayd.

Danjiraha Midawga Yurub ee Soomaaliya oo hore u dhexdhexaadiyay xisbiyada iyo xukuumadda ayaa la filayaa in uu mar kale hormuud ka noqdo dedaalada lagu xalinayo khilaafkan cusub ee imika jira.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga