
Guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeralayda qaadka ee dalka Kiiniya, ayaa waxaa uu sheegay inay maalin walba khaasaaraan lacago ka badan $ 150,000 (Boqol iyo konton kun oo dollar) kadib markii ay dalwadda Soomaaliya xayiraad kusoo rogtay qaadka.
Kimathu Minjuri, oo ah guddoomiyaha beeralayda qaadka Kiiniya, waxaa uu sheegay in ganacsigoodu ahaa wax isdhaafsi, waxaa uu sheegay in marka ay qaadka Soomaaliya geeyaan ay alaabo kale oo kalluunku kamid yahay soo iibsan jireen isla markaan ganacsigoodu ahaa wax is dhaafsi.
Wuxuu sheegay in sidoo kale ay Soomaaliya kasoo dhoofsan karaan xoolaha.
Madaxwayne-ku-xigeenka dalka Kiiniya William Ruto, ayaa isna mar uu la hadlayay telefishan kamid ah kuwa gudaha Kiiniya, waxaa uu sheegay in uu Soomaaliya u sheegay in lakala saaro ganacsiga iyo kiiska badda ee u dhexeeya Kiiniya iyo Soomaaliya.
Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.