Sawirka waxa leh xuquuqdiisa Future Brothers.

Qaar ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha Habarjeclo iyo Garxejis ayaa shaaciyay in ay qabanayaan shir ay kaga arinsanayaan dano iyaga ka dhaxeeya.

Shirka labada beelood ayaa ka dhacaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo ay ood-wadaag ku yihiin labada beelood.

Salaadiinta labada dhinac ayaa u asteeyay in shirku uu dhaco 15-ka bishan aynu ku jirno ee March, waxayna baaq ku direen in lagasoo qayb galo.

Lama oga ajandayaasha ay ku wajahayaan shirkooda, balse wuxuu micnoyaal badan ka samaynayaa dhinacyo kala duwan oo siyaasadda iyo xalinta khilaafaadku ay ka mid yihiin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga