Dadka magaalada Bayruut, ayaa cabbiray dareenkooda cadhada leh igoo ka cadhaysan sida aanay dawladda dalkaasi xil iskaga saari wayday badqabka dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii Beirut.

Madaxwaynaha dalkaasi Michel Aoun waxaa uu sheegay, in qarax uu sababeen 2,750 ton oo ah maaddada Ammonium nitrate, taasi oo si aan habaysnayn loogu kaydiyay istoodho waawayn.

Dadka cadhaysan ayaa sheegaya in musuq maasuq iyo daryeel la’aan dartood ay dadku u dhinteen, qaraxa, ayaa waxaa ku dhintay dad kabadan 137 qof halka ay ku dhaawaceen 5,000 oo kale, daraasiin dad ah ayaa weli la layahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Kooxaha gurmadka dalkaasi ayaa ka shaqaynaya sidii ay u heli lahaayeen dadka la la yahay illaa hadda.

Golaha wasiirrada dalka Lebnaan oo shiray, ayaa waxay sheegeen in xabsi guri lagu hayn doono masuuliyiintii dekedda ay dhacdadani ka dhacday illaa laga ogaanayo xaqiiqada, waxay sheegeen inay baadhisi socoto illaa hadda lagana sal gaadhi doono cidda qaadaysa masuuliyadda dhabta ah ee dhibkan magaalada Beirut ka dhacay.

Xukuumadda dalka Lebnaan ayaa xaalad degdeg ah kusoo rogtay guud ahaanba magaalada, iyadoo uu booqday madaxwaynaha dalka Faransiiska Emaneul Macron.

Madaxwayne Macron ayaa la kulmay masuulyiinta dalka Lebnaan, isagoo sidoo kale soo kormeeray barta ay dhibaatadu ka dhacday.

Maadada Ammonium Nitrate oo ah isku dhis kiimikaad taas oo caadi ahaan lagu nafaqeeyo beeraha ayaa sidoo kale loo isticmaalaa walxaha qaraxa, maadadani sababtay qaraxa dekedda Beirut ee Ammonium Nitrate, ayaa la sheegay in laga rogay Markab sannadkii 2013-kii, taasi oo ahayd mid ku kaydan istoodhada qarxy.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga