Beijing, magaalo ay ku noolyihiin dad dhaw 22 milyan qof, waa caasimadda dalweynaha Shiinaha ee bariga qaaradda Asia.

Magaaladani waxay noqotay hoyga hantiilayaasha ugu maalka badan dunida, iyadoo si rasmi ah u istaagtay jagada magaalada ay ku noolyihiin bilyaneerada ugu hantiada badani.

Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa hore u ahayd magaalada ay ku noolyihiin bilyaneerada ugu tirada badani, balse markan Beijing ayay maalqabeenadeedu ka tiro bateen kuwa New York.

Warbixinta maalqabeenada dunida ee ay sanad walba sii dayso jariirada Forbes ayaa caddaysay in muddo kadib ay magaalda Beijing hoy imika u tahay bilyaneerada ugu tirada badan.

33 bilyaneer ayaa kusoo biiray liiska bilayaneerada Beijing sanadkii lasoo dhaafay, taas oo tirada guud ee bilyaneerada Beijing ka dhigtay 100 bilyaneer.

Marka la si barbar dhigo hatida ay kal haystaan maalqabeenada Beijing iyo kuwa New York, waxa hanti badan kuwa New York. Balse tiro ahaan, waxa badan bilyaneerada ku nool magaalada Beijing.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga