Dadka degan Bariga Quuta ayaa waxa ay wajahayaan xaalad bini’aadanimo oo ba’an ayadoo ay jiraan duqayn aan joogsi lahayn labadii todobaad ee la soo dhaafay, iyada oo xukuumadda Suuriya ay heshay dhul ku yaalla barxadda bariga magaalada Dimishiq.

Hayadaha Kormeerka Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha (SOHR) ayaa sheegay Sabtidii in Ciidamadda Dowladda ay dib u soo celiyeen 10 boqolkiiba Bariga Magaalada Quuta,

Ugu yaraan 674 qof, oo ay ku jiraan in ka badan 150 carruur ah, ayaa la rumaysan yahay in lagu diley Dagaalka ilaa Febraayo 18-keedii, markii ay ciidamada Ruushku taageereen mid ka mid ah mucaaradka hubaysan ee Ka Dagaalamaya Suuriya.

Ciidamada amniga iyo xulafadooda ayaa sii ballaadhiyay weerarkooda ku aaddan mucaaradka 48-kii saac ee la soo dhaafay, “ayuu yiri Rami Abdel Rahman, madaxa howl-gallada.

“Waxay weli ku adkeysteen weerarka oo waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan dagaalka,” ayuu yidhi.

“Shaki kuma jiro in ay jirto baqdin xoogan oo ka jirta duqeyn, laakiin dad rayid ah ayaa weli sii dhimanaya,” ayuu sii Raaciyay.

“Ololaha weerarkani wuu socdaa inkastoo dhaleeceyntu ay ka imanayso waddamada reer galbeedka.”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga