Khilaafkii u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan, ayaa u muuqday mid soo dhammaaday sannadkii 2015-kii, kadib markii xubnaha joogtada ah ee qaramda midoobey iyo Jarmalkoo wehelinayay heshiis dhinaca nuclear-ka ah la gaadheen Iiraan.

Balse wax weliba way is bedeleen Markii madaxwayne Trump loo doortay madaxwaynaha 45aad ee dalka gobollada midoobay ee Ameerika.

8-dii bishii April sannadkii 2019-ka, Washington waxay shaacisay in ciidanka ilaallada kacaanka Iiraan ay yihiin ‘’argagixiso’’ iyadoo cutubka sida gaar ah u tababarn ee Qudus layidhaana ku dartay liiska madow. 5-tii bishii May lataliyaha ammaanka qaranka ee aqalka cad John Bolton, ayaa ku dhawaaqay in markab diyaaradaha xambaara iyo dayuuradaha duqaynta ba’an gaysta ee Bomber-ta loo yaqaan loo dirayo bariga dhexe.

 

 

8-ddii bishii May 2019-kii sannad kadib Maraykanku wuxuu kelidii ka baxay heshiiskii dhinaca Nuclear-ka ee Iiraan ay la galeen quwadaha adduunka iyo jarmalku, isagoo kusoo rogay cunaqabtayn, Iiraan ayaa markaa ka digtay inay iyana bilaabi doonto hawlaheedii hubka Nuclear-ka ah, Trump ayaa sii xoojiyay cunaqabtaynta isagoo kusoo rogay macdahana iiraan laga qodo iyo birta Steel gaar ahaan.

 

12-kii May 2019-kii afar markab oo ay ku jiraan saddex saliidda qaada ayaa lagu dhaawacay weerar lala yaabay oo aanay icidina sheegan, kaasoo Maraykanku Iiraan ku eedeeyay.

25-kii May Maraykanku wuxuu sheegay inuu bariga dhexe u daabulayo 1,500 oo ah ciidamo cusub si ay caabbi ugu noqdaan khatar kasta oo Iiraan ka iman karta.

Laba Markab oo saliidda qaada ayaa la weeraray kuwaas oo ay kala lahaayeen Norway iyo Japan 13 June, Waashington, London iyo Riyaad ayaa dhaleeceeyay, taasoo ay iiraan iska diidday.

 

20-kii June sannadkii 2019-ka ciidanka ilaallada kacaanka iiraaniyiinta, ayaa dhulka soo dhigay diyaarad nooceedu ahaa kuwa aanay cidina wadin oo Maraykanku lahaa, diyaaraddaas Drone-ta ah oo ay iiraan sheegtay inay ku jirtay hawadeeda, Mr. Trump ayaa ansixiyay duqayn aargoosasho ah, balse daqiiqadihii ugu dambeeyay ayuu joojiyay, isagoo badal uga dhigay cunaqabatayn dhaqaale oo daran taasoo toos u saamaynaysay hoggaamiyaha Ayatullaahi Ali Khumayni iyo saraakiil sare oo katirsan hoggaamiyeyaasha Militariga.

18 July, madaxwayne Trump ayaa warbaahinta u sheegay in dhulka lasoo dhigay diyaarad drone ah oo ay iiraan leedahay taasoo sida uu sheegay si khatar badan ugu soo dhawaatay markab dagaal oo uu Maraykanku leeyahay kaasoo ku sugnaa gacanka Hormuz.

14-kii september, weerar cirka ah oo ay sheegteen kooxda ay iiraan dabada ka waddo ee Xuutiyiinta ka dagaallama dalka Yemen ayaa lagu qaaday aagga saliidda laga soo saaro ee dalka Sucuudi Carabiya, Iiraan weerarkaas Maraykanka ayay ku eedaysay, Maraykanka oo uu Trump hoggaaminayaana waxay iiraan saareen cunaqabatayntii ugu darnayd abid ee dal la saaro.

Bishii November 15-keedii Iraan way xanaaqday, iyadoo ka xanaaqsan taageerada uu Maraykanku u muujiyay dad mudaharadaayaal ah oo kuwaas oo ka cabanayay qiimaha shidaalka oo kor u kacay, dawladda Iran ayaa ku eedaysay Maraykanka inuu isagu dabada ka waday.

 

Bishii December 29-keedii, Maraykanku wuxuu qaaday weerarro xagga cirka ah kuwaas oo uu ku bartilmaameedsaday kooxo iiraan ay taageerto halkaas oo uu ku dilay 25 dagaalyahan.

 

31 December, mudaharaadeyaal iiraan taabcasan ayaa isa soo hordhoobay safaaradda Maraykanka ee Baqdaad kutaal, madaxwayne Trump ayaa markaa uga digay Iiraan inay bixin doonto qiime sare.

3 bishan January 2020 duqayn uu Maraykanku fuliyay ayuu ku dilay hoggaamiyihii kooxda Quds General-kii awoodda badnaa Major General Qaasim Sulaymaani, waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagon, ayaa sheegay inuu madaxwayne Trump amray dilkiisa

7 January ee sannadkan 2020 hoggaamiyaha sare ee ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan Major General Xuseen Salami ayaa sheegay inay iiraan aar gudi doonto.

Maanta oo ay bisha January tahay 8 Iran waxay gantaallo ku weerartay saldhigyada ciidamada Maraykanka ee Ciraaq kuyaal, hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalkaas, Khumayni ayaa sheegay inay Maraykanka dhirbaaxeen, Madaxwayne Trump, ayaa isna qoraal uu Twitter-ka soo geliyay ku sheegay inay weli wadaan qiimayn khasaaraha iyo dhaawaca weerarrda maanta, weli cidina si buuxda uma oga jawaabta uu Maraykanku bixin doono.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga