Madaxweynihii Hore Ee Maraykanka, Barak Obama, Ayaa Khudbad Uu Jeediyay aad Ugu Dhaliilay aamusnaanta Xisbiga Jahmhuuriga, Ee Ku aadan Siyaasadaha Madaxweyne Trump.

Obama Ayaa Maalintii Shalay Khubadan Uu Jeediyay Waxa aad U Duray Siyaasadaha Madaxweynihii Ka Dambeeyay, Isaga Oo Xisbiga Uu Ka Soo Jeedana Ku Dhaliilay In Ay Wax Walba Ku Daawanayaan, Dabadeedna Ay Ku Calaacalayaan Waxaanu Hakin Doonaa Inta Dambe.

“Saacadani Waxa Ay Ka Mid Tahay Saacadaha La Kala Baxo, Qof Kasta Oo Ka Mid Ah Muwaadiniinta Reer Maraykan Waxaa La Gudboon In uu Ka Fikiro Cidda Aynu Noqonayno Iyo Waxa Aynu Difaacanayno,..” ayuu yidhi Barak Obama.

Obama Ayaa Sheegay In Maraykanku Uu Marayo Xilli Adag, Oo uu Fogaynayo Xulafadiisii uu Lahaa, Taasi Badalkeedana Ay Soo Dhawaynayaan Cadawgii Shalay, Oo Uu Ka Wado Ruushka. Sidoo Kale Waxa Uu Trump Ku Eedeeyay Inuu Siyaasaddii Galiyay Garsoorkii, Isla Markaana Uu Cadawgiisa Koowaad Ka Dhigtay Saxaafadda.

Madaxweynaha Ayaa Dhalinyarada Kula Dardaarmay In Ay Codeeyaan Si Dalka Loo Badbaadiyo, Waxaana Uu Sheegay ay Ay Muuqato Rajo Lagu Xallinayo Dhibaatadaasi Ay Gaysteen Jamhuurigu.

Doorashada Kongareska Ayaa Dhacaysa 6 Bisha November Ee Sannadkan. Golaha Kongareska Oo Ka Kooban 435 Xubnood Ayaa Dhammanatood Dib Loo Soo Dooranayaa.

Madaxweyne Trump, Oo Ka Cabsi Qaba In Xisbiga Dimuqraadigu Ku Guulaytso Aqlabiyadda Kongareska Ayaa Ka Digay In Ay Isku Dayaan In Xilka ay ka Qaadaan, Isaga Oo Ku Sababeeyay Haddii Xilka Laga Qaado in Dhaqaalaha Maraykanka Hoos U Dhac Ku Iman Doono.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga