Askari ka Tirsan Ciidamadda Dawladda Soomaaliya ayaa Magaaladda Muqdisho ku Dilay Laba Qof oo Wadda Saarnaa Bajaaj Kuwaas oo La Sheegay in ay Waalid isku ahaayeen.

Askariga Dawladda Soomaaliya ka Tirsan ee Dilka gaystay ayaa Goobta ka Baxsaday Sida ay SAABTV u Xaqiijiyeen Ila Wareedyo ka ag dhow Goobta Dilku ka dhacay.

Boqolaal Qof oo ka Cadhaysan Dilka loo Gaystay Labadda Qof ee Shacabka ah ayaa dibadbaxyo ka dhigaya isgoyska howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Dadkan oo aad u Cadhaysan ayaa dhigaya dibadbax rabashado wata, ayadoo wadooyinka ku gubaya Taayarro, Sidoo Kalena Farin u Diraya Madaxda Dawladda Soomaaliya oo uu ugu Horeeyo Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in aanay u dulqaadan Karin dilalka loo geysanayo dadka aan waxba galabsan ee muruqmaalka ah, waxayna codsanayaan in caddaaladda la horkeeno askariga geeystay dilka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Yariisow ayaa sheegay in uu cambaareeynayo dilka loo geystay darawalka Bajaajta Watay iyo shaqsigii la saarnaa, Waxaanu xusay in lagu raad joogo askariga dilka geeystay.

Marka Laga Yimaado Ururka Alshabaab,  Maalmihii ugu Danbeeyay Waxaa Magaaladda Muqdisho Kusoo Badanaya Dilalka ay Ciidamadda Dawladda Soomaaliya u Gaysanayaan Dhalinyaradda Muruq-maalka ah ee ka Shaqaysta Muqdisho.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga