Baarlamanka dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in kulankooda ugu horeeya ay ka doodaan mooshin ka dhan ah ciidanka Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah ciidamada AMISOM ee hawlgalada nabad ilaalinta u jooga dalkan ku yaala Geeska Afrika.

Xogaha ay warbaahinta SAAB helayso ayaa tilmaamaya in baarlamanku ay saluugsanyihiin wax ay ku sheegeen ‘daandaansiga cad ee Kenya ay ku hayso dalka Soomaaliya, iyo xad-gudub ay ku samaysay madaxbanaanida wadddanka.’

Soomaaliya iyo Kenya ayuu xidhiidhkoodu xumaa bilihii lasoo dhaafay, iyadoo uu murankoodu salka uu ku hayo biyaha u dhaxeeya labada waddan oo mid waliba uu sheeganayo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga