Baarlamanka Soomaliya ayaa shalay meel mariyay sharciga doorashada oo wax-ka-bedel ay ku sameeyeen gudio ay baarlamanku hore ugu saareen kadib markii xildhibaanada qaar ay saluugeen xeerka.

Codaynta ayay sameeyeen baarlamanku xili ay magaalada Muqdisho ka socotay baroor-diiqda in ka badan 80 qof oo shacabka ay matalayeen ah oo lagu dilay weerar is-qarxin ahaa.

Dadka Sooamalida ah ee isticmaala baraha bulshada aya dhaliilay xubnaha baarlamanka, iyagoo ‘damiir-xumo’ ku tilmaamay in baarlmanku ay cod u fadhiistaan xilki tobanaan shacab ah lagu dilay hal weerar maalintii Sabtida.

Xildhibvaanada qaar ayaa weerarka carabka ku dhuftay intii kal-fadhigu uu socday, iyadoo dawladda ku canaantay in aanay waxba ka qaban arimaha amniga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga