Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa la filayaa in maalinta berri ah ay ka doodaan arinta qadiyadda aqoonsiga Somaliland, iyadoo si furan looga doodi doono.

Sababta ayay uga shirayaan ayaa ah kadib ajande uu golaha hor keenay wasiirkii hore ee difaaca dalka Ingiriiska Gavin Williamson oo markii uu xilkaas hayay booqasho ku yimi Somaliland.

Xildhibaanada baarlamanka Ingiriiska ayaa ka doodi doona arinta qadiyadda Somaliland, oo hore ugu dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya, balse aan haysan aqoonsi caalami ah.

Waxa jira codsiyo tiro badan oo shcabka Somaliland ee haysta dhalashada Ingiriisku ay u dirayaan xildhibaanada metela ee Ingiriiska, iyagoo ka dalbanaya in ay taageeraan qadiyadda Somaliland.

XIDHIIDHKA SOMALILAND IYO INGIRIISKA

Somaliland waa gobol uu hore u gumaysan jiray Ingiriisku, balse wuxuu xornimada siiyay sanadkii 1960.

Ingiriiska ayaa lagu tiriyaa dawladaha taageera Somaliland qadiyada ahaan iyo siyaasad ahaan, balse marar badan ayuu sheegay in arinta aqoonsigu ay u taalo Somaliland iyo Soomaaliya, hadii ay soo kala baxaanna uu Ingiriisku aqoonsan doono dawladnimada Somaliland.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga