Monrovia: (Saabtv)-Gollaha Baarlamaanka Dalka Laybeeriya oo ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika,ayaa shaaciyay Inay Misaaniyadda Sannadka 2020 ay ka jarayaan Mushaharaadkooda qadar dhan 30%,taas oo ay ku macneeyeen inay kor-u-qaadayaan Sumcadda Maamulka Maaliyaddeed ee dalkoodu ku yeelanayo Heerka Haay’addaha Maaliyadda Caalamka.

Baarlamaanka Heer Fadaraal ee Laybeeriya ayaa cod aan kala hadh lahayn waxay ku meel-mariyeen inay si iskood ah hoos ugu dhigaan Mushaharaadka ay qaataan,isla-markaasna laga reebo odoroska Miisaaniyaddeed ee sannadka 2020-ka.

Talaabadan ay qaadeen sharci-dajiyayaasha Laybeeriya,ayaa kusoo beegmaysa Hal bil ka dib markii Lagu eedeeyay Baarlamaanka Dalka Nayjeeriya inay dalbanayaa inay Ilaaladooda khaaska ah loo iibiyo Baabuur qaali ah oo maalaayiin Dollar ku kacaysa,taas oo ay dadweynaha dalkaasi si weyn uga cadhoodeen.

Sharci-dajiyayaasha Dalka Laybeeriya,waxay ka dhimeen Odoraska Miisaaniyaddeed ee Gollaha usoo gubisay Xukuumadda Madaxweyne George Weah oo hore u ahaa Ciyaartooy Caalami ah lacag gaadhaysa 7 Milyan oo Dollarka Maraykanka,taas oo ag cel-celis ahaan dhaqaalihii kasoo baxay hoos-u-dhigadda Musharkooda.

 

 Dalka Laybeeriya oo ka mid ah wadamadda Saxaaraha ka hooseeya ee Galbeedka Afrika,ayaa waxa uu xuduud la leeyahay Dalalka Gini,Afri-koosti iyo Sierra Leone, waxaana lagu tilmaama mid ka mid ah Labadda Dal ee ka badbaaday Xaraashkii iyo qeybsashaddii reer Yurub ee Wadamadda Afrika,waxaana Dalkan la aas-aasay sannadkii 1820-kii,iyada oo ay dhidibadda u taageen Shucuub Afrikaan-Maraykan ahi,waxaanay hayeen Taladda dalka ilaa laga soo gaadhayay sannadkii 1989-kii,ka dib markii Xukunka lagaga tuuray afganbi Milatari.

Markii ay Dalkaasi gacanta uu ku dhigay Nidaam kali-taliye ahi ilaa sannadkii 1990-kii,waxa uu dalku Cagaha la galay Labo Dagaal Sokeeye oo ay dad badani ku hoobteen.

Sannadkii 2003-dii,ayaa waxay Haweenaydii Ellen Johnson Sirleaf ku guulaysay inay soo af-jarto qul-qultooyinkii Dalka ka taagnaa,iyada oo sannadkii 2005-tiina loo doortay Madaxweyne.

Haatana waxa hogaamiya Dalkaasi George Weah oo ahaa Ciyaartooy caan ah,kaas oo Xafiiska la wareegay January 22, 2018.

Liberia's lawmakers cut salaries, allowances by 30 per cent in budget

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga