Azerbijaan oo si rasmi ah ula wareegaysa Nagorno-Karabakh

Azerbaijan waxay bilawday in ay la wareegto deegaanada ay baxeen ciidamada Armeeniya.

Deegaankii ugu horeeyay ee gobolka Nagorno-Karabakh ka tirsan ayay galeen ciidamada Azerbijaan, kadib tobanaan sanno oo ay ka ariminayeen Armeeniyiintu.

Jab xoog badan ayaa gaadhay ciidamada Armeeniya iyagoo ku sigtay in dhammaantood gobolka lagu laayo, ka hor inta aanay madaxda Armeeniya saxeexin in ay si rasmi ah uga laalaaban doonaan Nagorno-Karabakh oo ay sharci darro ku haysteen.

Degmeda Aghdam ayaa la sudhay calanka Azerbijan. Ciidamada ayaa deegaanada kalena la wareegaya, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee dalka Azerbijaan.

Madaxweynaha Azerbijaan Ilham Aliyev ayaa muddo todobaad ah ugu daray in ciidamada iyo dadka raba in ay ka gurtaan gobolka ay ku diyaargaroobaan. Madaxweynaha ayaa xusay in hawlaha bini aadamtinimada uu ilaalinayo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga