Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa taageero u muujiyay raysalwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, mar uu ka hadlayay kulan lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay taageero la bar bar taaganyihiin Rooble, isla markaana ay tahay in loo daayo arimaha amniga iyo doorashooyinka. Wuxuu intaa ku daray in inta dacalka la haysto aanu qaban karin waxba Rooble, ayna tahay in loo madax banaaneeyo dhaqadiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Khilaaf xoogan oo aan weli xal loo helin ayaa u dhaxeeya madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo raysalwasaaraha xil gaadhsiinta Rooble.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga