Hawl galka ATMIS ee Soomaaliya wuxuu bandoo kusoo rogay xerada Xalane iyo sidoo kale xayndaabka garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee Muqdisho.

Bandooga ayaa socon doona muddo afar maalmood ah oo ka bilaabmaysa 25-ka bisha April oo maanta ah illaa 28, April.

Arintan ayaa u muuqata mid sabab u ah doorashada guddoonka baarlamanka oo teendhada Afisyooni ka dhacaysa 27 bishan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga