Jeneraal Chris Donahue ayaa noqday askarigii ugu danbeeyay ee Maraykan ah ee ka baxa gudaha dalka Afkaanistaan, kadib labaatan sanno oo ay ka wadeen dagaal kumanaan askari kaga dhinteen.

Sacadihii hore ee Salaasada maanta ayuu Maraykanku soo afmeeray dagaalka uu ka waday Afkaanistaan, isagoo daad gureeyay dad lagu qiyaasay 123,000 oo qof muddo maalmo ah gudaheed.

Dhammaan diyaaradaha iyo gaadiidka kale ee ay ka baxeen ayay ka dhigeen qaar aan shaqaynayn ka hor inta aanay dhoofin ciidamada Maraykanku, si aanay Daalibaan u istcimaalin.

Daalibaan ayaa rasaas xoogan hawada u ridaysay kadib guul ay ka sheegteen dagaalka Afkaanistaan, waxaanay ciidamadoodu galeen madaarka Kabul.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga