Tababare Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday inuu marqaati u noqday waqti inuu gurigiisa ugu yimid Pep Guardiola isagoo doonaya inuu u ciyaaro Arsenal, balse wuxuu qiray inuu yahay shaqsi leh faham kubadeed.

 

Guardiola wuxuu mihnadda tababare ku jiraa 10-sanadood heerka sare, durbana wuxuu safka hore kasoo galay liiska kuwa ugu guulaha badan maadaama uu guulo wax ku ool ah lasoo qeybsaday Barcelona iyo Bayern Munich.

 

Macalinka reer Spain hadda wuxuu waqti qurux badan ku qaadanayaa horyaalka Premier League – iyadoo kooxdiisa ay xaadir ku tahay dhamaan koobabka uu xilli ciyaareedkaan u tartamay.

 

Si kastaba Wenger oo wareysi siinayay TV-ga laga leeyahay dalka Qatar ee BeIN Sport ayaa ka hadlay waqtigii ay kulmeen iyo waxa uu ka aaminsan yahay falsafadiisa shaqo.

 

“Waan la hadlay dhawr jeer, mar ayuu iigu yimid gurigeyga sababtoo ah wuxuu doonayay inuu Arsenal u ciyaaro” ayuu yiri isagoo fadhiya beIN

.

“Wuxuu helay kooxo gaar ah, si fiican ayuuna ula tababartay. Waan xushmeynaya wixii uu sameeyay sababtoo ah wuxuu u leeyahay aragti wadix ah ciyaarta, sidoo wuxuu leeyahay falsafad fiican”

 

“Xitaa hadii uusan u guuleysan sababtaas, waan xushmeynayaa isaga sida uu ciyaaraha ula falgalo:

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga