Illaa todobad qof ayaa lagu dilay halka dad kalana lagu dhaawacay weeraro ay xili habeenimo ah Armeeniya ku qaaday deegaano ka mid ah dalka ay colaadu ka dhaxayso ee Azerbijaan, kuwaas oo u dhaw xadka ay wadaagaan laba waddan.

Saraakiisha Azerbijaan ayaa sheegay in magaalada Ganja lagu weeraray madaafiic lagasoo ganay dhanka Armeeniya, muddo 24-saacadood ah kadib markii la gaadhay xabbad-joojinta gobolka Nagorno-Karabakh.

Wax yar kadib markii ay xabbad-joojinta oo Ruushku uu waday ay dhaqan gashay, waxa ay labada dhinac bilaabeen eedaymo ah in mid waliba uu carqaladaynayo xabbad-joojinta iyo qodobada lagu heshiiyay.

Nagorno-Karabakh oo ah gobol buuralay ah oo dhaca xadka ay wadaagaan Armeeniya iyo Azerbijaan ayay labada dal ku muransanyihiin. Waa qayb ka mid ah Azerbijaan, balse Armeeniya oo dad u dhashay ay degenyihiin gobolka ayaa sheeganaysa lahaanshihiisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga