Dalka Armaaniya ayaa sheegtay maalintii Jimcihii in ay kala shaqeyn doonto dalalka Ruushka, Mareykanka iyo Faransiiska dib u cusbooneysiinta xabad joojin ka dhaqan-gasha gobolka Nagorno-Karabakh ee ay isku hayaan dalka Azerbaijan, xilli dadka ku nafwaayay dagaalkaasina ay tiradoodu sii kordhayso maalintii lixaad.

Xoogga dagaalka, ayaa ka socda dhinac koonfureed ee gobolka Caucasus.

Wararka ka imanaya halkaasi, ayaa sheegay in aanay weli Azerbaijan ka bixin wax jawaab ah, xabad-joojinta ay Armaaniya sheegtay xilli ay kula dagaallamayso Armaaniyiinta gobolka Nagorno-Karabakh.

Ilham Aliyev, madaxwaynaha Azerbaijan waxaa uu mar hore oo ku beegnayd maalintii Salaasadii sheegay, in dalka Armaaniya lagala hadlo arrimo ku saabsan gobolka Nagorno-Karabakh, iyadoo dalka Turkey-ga oo dalkani xulafo dhow la ahani dhankiisa sheegay in saddexda dal ee Maraykanka, Ruushka iyo Faransiisku aanay haba-yaraatee wax door ah ku lahayn qorshaha nabadaynta.

Balse dalalkani ayaa ugu baaqay Aramaaniya iyo Azerbaijan xabad-joojinta in la cusboonaysiiyo iyadoo waan waan diblumaasiyadeed laga galayo arrinta.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, oo warsaxaafadeed soo saaray, ayaa waxaa uu ku sheegay in uu khadka taleefanka si is dabajoog joog ah ugala hadlay ra’iisul wasaaraha Armenia, Nikol Pashinyan, iyo madaxweynaha Azerbaijan Aliyev, madaxwayne Macron waxaa uu soo jeediyay dib u bilaabidda wada hadallada.

 

Labada dal ee Azerbaijan iyo Armaaniya, ayaa ku dagaallamay gobolka buuralayda ah ee Nagorno-kharabakh kaas oo ah dhul buuralay ah asal ahaanna katirsan Azerbaijan, balse ay daggan yihiin dad u dhashay Armaaniya, iyadoo khilaafka u dhexeeya labadan dalina ay yihiin kuwo taariikhi ah.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga