Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar Ayaa Lagu Soo Gaba-Gabeeyay Bandhigga Dhaqannada Ardayda Wax Ka Barata Dalkaasi Oo Ay Qayb Ka Ahaayeen Arday Somaliyeed,

Arday Ka Kala Socota Dhowr Iyo Labaatan Dal Oo Bandhiggaasi Ka Qayb Gashay Ayaa Waxaa Si Weyn Uga Dhex Muuqday Ardayda Soomaaliyeed Oo Halkaasi Ku Soo Bandhigay Ciyaaro Hiddo Iyo Dhaqan Ah, Dhar, Cunto Iyo Alaabada Laga Adeegsado Miyiga Iyo Magaalooyinka Soomaaliyeed.

Qiimeeyn La Sameeyayna Ayaa Lagu Sheegay In Soomaalidu Ka Gashay Kaalimaha Ugu Horreeya Bandhig Dhaqameedka Ka Dhacay Qaahira.

Bandhiga Ayaa Waxaa U Soo Daawasho Tagay Kumanaan Ajaanib Ah Oo Isugu Jira, Safiirro Kala Duwan Iyo Arday Waxka Barata Jaamacadaha Ku Yaala Dalka Masar,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga