Illaa 5 qof oo dibadbaxayal ah, kuna jireen afar arday ayay toogasho ku dileen cidamada amaanka ee dalka sudan, xili ay kala dirayeen arday mudaharaad ka waday magaalada el-oubeid ee ku taala koonfurta sudan.

Dilka shacabkan ayaa imnya xili maanta ay wadahdal cusub ku balansanaayeen kooxaha mucaaridka iyo milatariga haya talada sudan, oo ka arinsanaya sidii ay usoo dhisi lahaayeen dawlad dalka gaadhsiisa doorashooyin guud.

Ardayda ,udaharaadad dhigayay ayaa ka cadhaysnaa shidaalka iyo roodhida oogabaabsi ku noqday gobolka waqooyiga kordofan, sida ay sheegeen dadka deegaanku.
Waxa la filayaa in xiissaddan cusubi ay ma rkale murgiso xidhiidhka kooxaha mucaaridka iyo milatariga taaldaa haya.

Qaar ka mid ah kooxaha mucaaridka ayuaa ardaday la laayay ku tilmaamay xasuuq. Iyadoo wali ay dadka qaar dalbanayaan baadhitaano hufan oo lagu sameeyo gabood faladii ka dhacay waddanka bilihii ay rabshaduhu socdeen.

Milatariga ayaa rabshdahan ccusub kadib, waxay bandoo kusoo rogeen afar magaalo oo goboolka ah, xiliga habeenkii. Mana jiro wax war ah oo kasoo bxay madaxda milatariga.

Dalka sudan ayaa taladiisa laysku hayaa tan iyo markii xukunka laga tuuray maaxweyne albashir. Dhinacyada milatariga iyo mucaaridka ayaa u muuqda qaar sidii hore iskaga dhaw, balse wali ma jiro xal rasmi ah oo la gaadhay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga