Sidee ayey suurtagal u tahay arday 23 sano jir ah in uu Bishiiba Shaqaysto Lacag gaadhaysa $ 50,000 si uu u iibsado Gaadhi Qiimihiisu yahay 2.4 Million Dollar.

Sandile Shezi oo ah Saddex iyo Labaatan Jir Ku nool Dalka Koonfur Africa ayaa Sheegay in uu Bishiiba Internetka Ka Shaqayso Lacag Gaadhaysa $50,000 oo Dollar.

“Waxaan u maleynayaa in qof walba uu leeyahay Waxani waa riyo, Hadda Kahor oo aan ka Shaqaynayey Tukaan 2 sano oo ka mid ah Wakhtigayga, maan helin wax ku dhow riyadeyda! Hadda, waxaan ku shaqeeyaa $50,000 oo Dollar bishiiba, taas oo ah Shaqo aan ku Qabanayo kombuyuutarkeyga guriga ii yaala, Waqtigaan Bilaabaayey Shaqadan xitaa uma maleyneynin in qof halkan uu ku Helo wax ka badan $ 10,000 bishii. Anigu weli ma rumaysan karo in aan ku guuleystey in aan gaadho heerkan oo run ahaantii aad u cabsi badan. Dhammaan riyadayda waa run.”ayuu yidhi Sandile Shezi.

“Anigu waxaan ahay 23 jir, hal sano ka hor, waxaan u shaqeynayay Mid Kamida dukaamadda fudud ee ku yaala Dalka Koonfur Africa, Waxaan u maleynaayey in aan haysto shaqo fiican, oo aan Bishii ka Qaadan Jiray Mushahar gaadhaya $250 Dollar, si fudud ayaan u dabooli Jiray dhammaan baahiyahayga aasaasiga, Balse Hada Waxaa ii Rumowday mid Kamid ah riyooyinkayga oo ahayd in aan iibsado Gaadhiga – Mercedes AMG!

“Intii aan Ku Jiray Shaqadii Horre laba sanno Gudahood, waxaan ku guulaystay kaliya $ 7400. Waxaan isla Maalmahaas rajeynayay inaan heysto lacag igu”

23-sano jirkan, Sandile Shezi wuxuu ku guuleystay in uu Malqabeen Caan ah Noqdo, Isaga oo Markii Hore ahaa wiil yar oo Kusoo koray faqri, Wuxuu Sheegay in uu Maanta faqiirku noqday dhiirigeliye xoog leh.

Sandile Shezi Waxa uu ka Shaqeeyaa Suuq Lagu Magacaabo Forex oo ah Suuq Casriya oo Ka Shaqeeya Sarifka Lacagaha Qalaad, Halkaas oo uu Marwalba Kusoo Bandhigo Sicirka Suuqyadda Lacagaha ay isticmalaan Dalalka Dunida.

“Bishii November ee sannadkii hore ayaan Qaar ka mida asxaabteyda u sheegay ‘fikradan’ iyadoo, Mobelkii iyo laptopkii aan Shaqadan ku Bilaabayna Dayn la iighu Lahaa, iskaba daa Waxaan Faa’ido ee Waxaan islahaa ma awoodi doontid inay Shaqadani Daynta Lagugu Leeyahay Kaa daboosho.”

“Qof kasta oo raadinaya shaqo ama isku dayaya in uu kaydiyo lacag, i rumee, ma jirto shaqo ka fiican “internetka” marka loo eego Shaqooyinka Kale oo dhan, “internetka” Dabcan, way wanaagsan tahay inaad bilowdid in sida ugu dhakhsaha badan aad Lacag uga Abuurtid.”

“Tan iyo markii aan Shaqadan Bilaabay, Marba Marka ka Danbaysa Lacagta ayaa isii Kordhaysay, isla Markaas ayaan Go’aansaday in aan si dhakhso ah shaqadii aan Hayey uga Tago si aan waqti badan ugu qaato ganacsiga Internetka, Taasi waxay ahayd siddeed bilood ka hor, Hadda waxa aan awood u yeeshay inaan Gaadho riyadayda.”

“Saacado Kamida Wakhtigayga ayaan ku Shaqeeyaa Kombuuterka guriga ii yaala, Ka dibna waxaan soo booqdaa asxaabteyda, Waxay Shaqadayda Ka Muujiyaan waxoogaa shaki ah, laakiin waan ogahay in ay ka warqabaan sida aan Wax u maamulay.”

“Aduunka Wax Walba waa La Helaa, Lakiin Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in Shay Walba la siiyo isku day! ugu dambeyntii, Taasi waa waxa aan ku kasbaday in aan Ku Guulayto Shaqaddan,” Nasiib wacan!

Sandile Shezi Hada Waxa uu Maamule ka Yahay Shirkad Lagu Magacaabo Global Forex Institute (GFI).oo Bixisa Sidii Malaayiin Dollar Looga Abuuri Lahaa Shaqo Fudud.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga