Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhex galay khubarada caafimaadka ee dalka Maraykanka iyo Aqalka Cad. Maamulka madaxweyne Trump ayaa weeraro afka ah ku qaaday saraakiisha caafimaadka ee hor kacaya hawlaha caafimaadka ee Covid-19 lagula tacaalayo.

Aqalka Cad wuxuu imika bartilmaameedsanayaa dr. Anthony Fauci oo ah dhakhtarka hogaamiyanaya la dagaalanka xanuunka Covid-19 ee gudaha Maraykanka. Dhakhtarka ayaa bixiyay talooyin uu wax kaga bedelay xidhashada mask-ga afka iyo tilmaamaha kale ee badbaada, kuwaas oo xukuumadda Trump ay diiday.

Khilaafkooda ayaa imanaya xili Covid-19 uu wali ku faafayo Maraykanka. 3.3 million oo qof ayuu ku dhacay xanuunku Maraykanka, iyadoo uu sahayday nolosha in ka badan 135,000 oo qof.

Dr Fauci wuxuu marar badan is hor taagay faalooyin uu madaxweyne Trump ka bixiyay xanuunka, isagoo ka digay in la qaato talooyinka mdaxweynaha. Dib u furida ganacsiyada, qaadashada dawooyin aan la xaqiijin badqabkooda iyo arimo kale ayuu dhakhtarku ku diiday Donald Trump.

Badi khubarada caadimaadka ee Maraykanka ayaa ka walaacsan talaabooyinka dawladda oo ay ku tilmaameen qaar aan ka duulahayn badqabka dadka, iyadoo maamulka Trump-na uu dhaleecaynayo bahda caafimaadka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga