Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu dalbaday in aan la dhimin awoodda ciidamada AMISOM ee gudaha Soomaaliya, kadib marka uu dhamaado hawl galkoodu bishan March.

Waxa warkan uu Antonio Guterres ku sheegay warqad ay wakaalada wararka ee AFP heshay oo uu u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Marka ay bishani dhammaato, dawladda Soomaaliya ayaa yeelanayso awoodo dheeraad ah oo ay ku amarto cidiamada AMISOM oo loo bixin doono ciidamada ATMIS wixii ka danbeeya bishan.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa kadib markii ay Soomaaliya hore u diiday in ciidamo ka socda Qaramada Midoobay la keeno gudaha Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga