Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Antonio Guterres, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu soo dhaweeyay go’aankii ay shalay gaadheen Aqalka Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya.

Afhayeenka Antonio Guterres ayaa sheegay in xoghayaha guud uu bogaadinayo in dib loogu laabto heshiiskii 17 September kaas oo dhigayay in sida ugu dhakhsaha badan doorasho loo qabto, isla markaana qeexayay qorshaha doorashada.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu mar kale ugu baaqay saamilayda siyaasadda Soomaaliya in ay iskugu yimaadaan wada hadal, isla markaana xal ka gaadhaan muranada siyaasadda ee qabsoomida doorashooyinka. Antonio Guterres wuxu inaa ku daray in heshiis la gaadhaa uu muhiim u yahay degenaanshaha Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga