Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in doorashada Soomaaliya si degdeg ah loo qabto, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo keenaya in uu dib u dhac kale yimaado.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugfan dalka Turkiga halkaas oo xaflad soo dhawayn ah uu khudbad uga jeediyay dhacabkii kasoo qayb galay.
“Waxaan soo toosay 8-dii Febraayo, 2017 aniga oo madaxweyne, waxaanan habeenkii laabtay aniga oo muwaadin ah si wanaagsanna waan u seexday. Markaa muhiim maaha in aad kursigakusii fadhido iyadoo wakhtigu kaa dhacay” ayuu yidhi maaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
8-da bisha Febraayo ee sanadka 2022 ayay tahay in la qabto doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya balse lama oga dib u dhac ku yimaada xili aan weli la dhamaystirin doorashada aqalka hoose.