Wararka naga soo gaadhaya magaalada jalalqasi ayaa sheegaya in ciidamada jabuuti ee qeybta ka ah howgalka amisom aya ka baxeen saldigayo ay ku la haayen gudaha magaalada aygoona tagay xero ciidan oo ay ka dagan yahiin duleedka magaalada.

Taliyaha booliska magaalada Jalalqasi ee Hirshabelle Muuse Salaad ayaa sheegay in dhamaan ciidamada amaanka Hirshabelle ay la wareegan meelahii ay ka baxeen ciidamada jabuuti ee amisom .

Sido kale gudoomiye ku xigeenka amaanka maagalada jalalqasi mire xuseen siyaad ayaa sheegay in wali aysan ogeeyan sababaha ay u baxeen ciidamada amison hayeeshee,dhamaan goobahii ay baneeyan ciidamada amisom ayuu sheegay in ay la wareegan ciidamada soomaaliya ,

Meelaha aya ka baxeen waxaa ka mid ah saldhiga aya ciidamada amisom ku la haayan buundada kala qeybiso magaalada iyo meelo kale ,

Wali lama sheegin sababata ay ciidamada jabuuti ee amisom ugu baxeen gudaha magaalada jalalqasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga