Amiirka Boqortooyadda Abu Dhubi ayaa Booqday Dalka Sacuudi Carabia Waxaanu ugu yeedhay Dhinacyadda Ku Dagaalamaya Magaaladda Cadan ee Dalka Yemen inay Wadda Hadal la galaan Dawladda Kumeel gaadhka ah ee Dalka Yemen “si loo wiiqo xasaradaha Halkaasi ka Taagan”.

Booqashada Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa timid ka dib markii xulafada isbahaysiga Imaaraadka Carabta ay ku dhawaaqeen inay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta magaalada dekada ah ee Cadan kadib maalmo ay iskahorimaadyo dhexmareen xoogaga daacada u ah dowlada uu madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Abdu-Rabbu Mansour Hadi.

Dagaalkii ay Imaaraatka Carabtu kula Wareegeen Koonfurta Magaaladda Cadan ayaa Soo Shaac saaray Khilaafka u dhexeeya Dawladdaha Sacuudiga iyo Imaaraatka iyadoo Sidoo Kale Kooxdii Imaaraatka Ku Wehelisay Dagaalkaasi ay shegeen in isqabqabsi ka dhex jiro isbahaysiga milatariga Sacuudiga iyo Imaaraadka oo Markii Hore si Wadda jira u taageerayay. Ciidamada Hadi ee ka soo horjeeda dhaqdhaqaaqa kooxda Xuutiyiinta ee Yemen tan iyo sanadkii 2015-kii.

Bayaan ay soo saartay Wakaalada Wararka ee Imaaraatka ka dib kulan uu la qaatay Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdulcasiis, amiirka dhaxalka leh “wuxuu cadeeyay in Imaaraadku iyo Sacuudiga ay ugu baaqayaan dhinacyada isku haya Yemen inay mudnaanta siiyaan wadahadalada iyo danta danaha Yemen iyo dadkeeda”.

Bayaan ay soo saartay Wakaalada Wararka ee Imaaraatka ka dib kulan uu la qaatay Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdulcasiis, amiirka dhaxalka leh “wuxuu cadeeyay in Imaaraadka iyo Sacuudigu ay ugu baaqayaan dhinacyada isku haya Yemen inay mudnaanta siiyaan wadahadalada iyo danta danaha Yemen iyo dadkeeda”.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, dagaalkii afarta maalmood socday waxaa ku dhintay 40 qof halka ay ku dhaawacmeen 260 kale. Laakiin guddiga caalamiga ah ee laanqeerta cas ayaa isniintii sheegay in rugaha caafimaad ee kuyaala magaalada Cadan ay soo weriyeen “dhimashada dad badan” iyo boqolaal dhaawac ah oo dagaalkaas kujira, kuwaas oo waji cusub u furaya dagaalo mudo dheer socday oo Dalka Yemen kadhigay wadanka ugu saboolsan carabta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga