Dowladda Qadar ayaa ku dhawaaqday in Emir bin Hamad al Thani uu ka qayb gali doono kulan rasmi ah oo ka dhici doona Washington, DC, iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Uu Shirkaasi Kasoo Qayb Gali Doono.

Labada hoggaamiye ayaa telefoonka ka Wada hadlay Arbacadii, Ayagoo Ka Wada Hadlay horumarinta gobolka iyo fursadaha “kor u qaadista iskaashiga Maraykanka iyo Qatar ee ku saabsan amniga iyo arrimaha dhaqaalaha”, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Aqalka Cad.

“Hoggaamiyeyaashu waxay ku heshiiyeen muhiimadda wadashaqeyntu Leedahay iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka si loo yareeyo hanjabaadaha gobolka iyo xaqiijinta barwaaqada dhaqaalaha ee gobolka,” ayaa lagu yidhi Warsaxafdeed Kasoo Baxay Aqalka Cad.

Qatar ayaa la kulantay xayiraad ka timid Sacuudi Carabiya, UAE, Bahrain iyo Masar tan iyo bishii June, iyaga oo ku eedeeyay Qatar inay taageerto kooxaha xagjiriinta ah.

Balse Dawlada Qatar ayaa si adag u beenisay eedeymahaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga