Amiirka dalka Qatar, ayaa magacaabay ra’iisal wasaare cusub, xafiiska Amiirka Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa yidhi maalintii Salaasada, Amiirka dalku, isagoo dooranaya saaxiib aad ugu dhow, doorkiisu firfircoon yahay Sheikh Khaalid bin Khalifa bin Abdelaziz Al Thani wuxuu qaadaya jagada ra’iisal wasaaraha kadib markii Sheikh Abdullah bin Nasser Al Thani, oo sidoo kale ahaa wasiirka arimaha gudaha Qatar uu u gudbiyey is casilaadiisa dhaxal sugaha.

Raiisel wasaaraha cusub Sheikh Khalid, ayaa sida kii ka horreeyay isaguna qabanaya xilka wasiirka arrimaha gudaha, raysal-wasaaraha cusub, ayaa wuxuu ahaan jiray madaxa Amiri Diwan, ee xafiiska Amiirka dalka Qadar.

Sheikh Abdullah, ayaa bartiisa Twitter-ka uga mahadceliyay amiirka, haggiddiisii iyo maamulkiisii mudadii uu ahaa raysal wasaaraha.

Xilalka muhiimka ah ee golaha wasiirada sida arrimaha dibadda, tamarta, maaliyadda, gaashaandhigga iyo wasaaradaha ganacsiga ayaa sidoodii ah oo aan madaxdoodii isbedel lagu samayn. 

Qadar, ayaa ah dal aad u yar oo saamayn baaxad leh oo siyaasadeed ku yeeshay adduunka, taasoo xitaa saamaynteeda laga dareemay xeebaha badda cas iyo badwaynta Hindiya ee geeska Afrika.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga