Dagaalamayasha kooxda alShabab ayaa saaka weerar culus ku qaaday xerada Ceel Salini oo ku taala inta u dhaxaysa degmooyinka Marka iyo Afgooye.

Dagaalka ayaa saacado socday iyadoo dadka deegaankuna ay sheegayaan in hub aad u culus ay isu adeegsadeen labada dhinac, iyadoo goor dhawayd ay istaagtay rasaastu, sida ay tilmaamayan wararka nagasoo gaadhaya deegaankaas.

Wali ma jiro cid xaqiijisay khasaaraha jira, inkasta oo wararku ay xusayaan in khasaare laxaad lihi uu jiro marka la eego dagaalka dhacay.

Ciidanka xooga Soomaaliya ayaa imika xerada si buuxda gacanta ugu haya, iyadoo xoogagga alShababna ay dib uga gurteen deegaanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga