Ururka alShabab ee dagaalka hubaysan kula jira dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay soo bandhigay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda kaas oo diyaaradaha aan cidi wadin ee dawladda Maraykanku ay dileen.

Cbadullaahi Xaaji Daa’uud oo loo yaqaaanay Yuusuf Xaaji ayaa sanadkii 2016 lagu dilay duaqayn uu Maraykanku fuliyay, balse muuqaalkiisa ayay dhawaan sii daysay alShabab.

Dawladda Maraykanka ayaa hore ninkan adduun lacageed oo dhan $5million u dul dhigtay, iyadoo ku abaalmarinaysa cidii macluumaad kasoo gudbisa. Waxa lagu sifeeyay nin ka caan ahaa furimaha dagaalka ee alShabab iyo hawl-galada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga