Magaalada Milihoi ee ku taala wadada isku xidha Lamu iyo Garsen yay dablay hubaysani ku gubeen laba ka tirsan gaadiidka ka qeybgalaya dhismaha wadadaas oo hadda la wado, waxaana looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin kooxda alShabab ee ka dagaalanta koonfurta Soomalaiya.

Irungu Macharia, taliyaha booliska ee Lamu, ayaa weerarkan u xaqiijiyay warbaahinta The Citizen ee dalka Kenya isaga oo sheegay in ciidamada booliska iyo kooxaha hubeysan ay is rasaaseeyeen ka hor inta aaney maleyshiyaadka Al-Shabaab u cararin dhanka keymaha.

Ma jirto wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay weerarka, sida ay boolisku mar kale xaqiijiyeen. Dhanka alShabab-na may sheegan wali weerarka.

Kooxda ayaa wali wada weerarada ay ka fulinayso gudaha waddanka Kenya, iyadoo kasoo tallaabaysa xadka ay wadaagaan wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga