Kooxda alShabab ee dagaalka hubaysan kula jirta dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay muranka dhanka badda ee ka dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Hogaamiyaha guud ee ururka alShabab Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda ayaa fariin uu soo duubay kaga hadlay arimo badan oo ay ugu muhiimsanaayeen dagaalka ay kooxdiisu kula jirto dawladda iyo ka-faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya oo uu sheegay in uu u baahanyahay hoggaan daacad ah.

Abu Cubeyda ayaa sheegay in weeraradooda oo ay sii labinlaabeen ay muujinayso tamar-daradda dawladda Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hogaanka alShabab waxa uu xusay in aanay aqbali doonin sheegashada Kenya ee biyaha Soomaaliya. Sheekh Axmed AbuCubeyda ayaa tibaaxay in alShabab ay dagaal adag la gali doonto dawladda Kenya illaa inta ay kasoo dhicinayaan dhulka Soomaalida ee ay xoogga ku haystaan, waa sida uu hadalka u dhigaye. Amiirka ayaa intaa ku daray in aanay yeeli doonin natiijo kasta oo kasoo baxda maxkamadda ICJ, isla markaana aanay badda Soomaaliya marnaba gorgortan gali karin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga