Sida uu baahiyay talafishanka afka Soomaaliga ku hadla ee Universal, amar kasoo baxay kooxda alShabab ayaa lagu joojiyay dayac-tirkii garoonka Stadium Muqdisho.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ku amreen shirkadda haysata qandaraaska dhismaha Garoonka in gabi ahaanba faraha kala baxdo, waxaana ay warbixintu sheegtay in mid mid loo wacay guud ahaanba mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha shirkadda ka howlgala. Waxaa ay sidoo kale ku wargaliyeen shaqaalihii muruq maalka ahaa ee ka xoogsanayay dhismaha Garoonka in ayna ka soo xaadiri karin Garoonka oo ay subax walba u shaqa tagi jireen. 

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo la xiriira amarka ka soo baxay Al-shabaab ee lagu joojiyay dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho.

Shirkadda dhismaha wada iyo alShabab ayay warbixintu sheegtay in wada hadal u socdo, taas oo ka dhigan in alShabab ay dalbanayso lacag, si loosii wado dhismaha garoonka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga