Madaxweynihii hore ee waddanka Sudan ayaa loo jaray laba sanno oo xabsi ah, waxaana lagu hayn doonaa xarun gaar ah maadaama sharciga Sudan aanu qorayn in dadka ka wayn 70-ka sanno xabsi geeyo.

Cumar Xasan alBashiir ayaa lagu helay dacwado la xidhiidha musqmaasuq iyo wax-is-daba marin uu sameeyay mudadii 30ka sanno ahayd ee uu hayay talada Sudan.

Waxa jira dacwado kale oo ka dhan ah ninkan oo awood badan ku maamuli jiray Sudan. Waxay la xidhiidhaan tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo uu sameeyay, iyo hanaanka uu xukunka ku yimi oo af-ganbi ahayd.

Qareenada u doodayay ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunkan, waxaana taageerayaashiisu ay isugusoo baxeen wadooyinka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga